Shacabka Muqdisho oo ku dhibban waddoyinka la xirayo

Waddooyina la xirto ayeey caado ka dhigteen madaxda sare ee DFS.

Warar Keydmedia Online
Shacabka Muqdisho oo ku dhibban waddoyinka la xirayo

MUQDISHO, Soomaaliya - Shacabka Muqdisho ayaa aad ugu dhibban waddooyinka ay iska xiranayaan mas'uuliyiinta dowladda Federaalka, marara shirarka ay socdaan ama mas'uul magaalada ka dhoofayo.

Waddooyin badan oo muhiim ah ayaa maanta u xiran ciidanka dowladda, waana kuwa ku teedsan wadada Makka Al-mukarrama.

Sababta waddooyinkaan loo xiray ayaa ah shirka Banbaxa ee xukuumadda Rooble uga socdo Hotelka ku dhex-yaalla garoona diyaaradaha Aadan Cadde.

Ardayda iyo dadka kale ee shacabka ah ayaa dhibka ugu weyn qaba maadaama iyaga oo aan kusoo tashan waddo la xirayo in wadada laga xirto misane ay lugeeyaan.

Sida xilka loogu magacaabay RW Rooble waxaa dhagxaantii laga qaaday waddooyin xirnaa, laakiinse taas bedalkeeda maalin walbo waddooyinka muhiimka ah ayuu xirtaa, isaga oo xitaa haddii uu meel booqanayo la xiro waddooyin waaweyn oo muhiim ah.

KEYDMEDIA ONLINE
 

Commenting is not available in this channel entry.