Shacabka Muqdisho oo looga digay Qaraxyo kusoo wajahan

Tan iyo markii uu curtay sanadka cusub 2022, waxaana Caasimadda ka dhacay afar qarax oo waaweyn, kuwaasoo loo fuliyay si ka duwan kuwoo hore.

News Keydmedia Online
Shacabka Muqdisho oo looga digay Qaraxyo kusoo wajahan

MUQDISHO, Soomaaliya - Jen Cabdalla Cabdalla, oo horey usoo noqdey taliye ku-xigeenka NISA ayaa uga digay shacabka Muqdisho qaraxyo loo maleegay oo kusoo food leh dhawaan.

Feejignaan dheeri ah dhammaan shacabka Muqdisho laba Alshabab waxay fulindoonan qaraxyo badan Maalmahan!!.

Tan iyo markii uu curtay sanadka cusub 2022, waxaana Caasimadda ka dhacay afar qarax oo waaweyn, oo loo fuliyay si ka duwan kuwoo hore. Dad badan ayaa ku dhintay weerarada.

Jen Cabdalla ayaa sheegay in qaraxyada Muqdisho ku lug leeyahay Fahad Yaasiin, oo mudadii Farmaajo dalka Madaxweynaha ahaa Al-Shabaab badan kusoo daray hay'adaha dowladda.

Inta badan qaraxyada Caasimadda kama marsan siyaasad, oo waxay hoos u dhacaan markii siyaasadda degan tahay, iyadoo ay soo bataan markii khilaaf siyaasadeed uu ka jira dalka.

Al-Shabaab ayaa hesha fududeyn iyo wadashaqeyn gudaha hay'adaha amniga markay weerar ka fulinayso Muqdisho, maadaama jiraan shaqiyaad kooxda xiriir la leh oo ku jira Dowladda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.