Shacabka Puntland oo digniin degdeg ah loo diray

Digniintan ayaa la xiriirta roob daad wata oo ka da'aya deegaannada maamulkaasi qaarkood.

Warar Keydmedia Online
Shacabka Puntland oo digniin degdeg ah loo diray

Wasaaradda degaanka, Beeraha iyo isbedalka cimilada ee dowlad goboleedka Puntland ayaa soo saartay digniin ku aaddan roob daad wata oo ka da'aya deegaanno ka tirsan maamulkaasi.

Qoraal ay soo saartay wasaaradda ayaa waxaa loogu digay dadka ku dhaqan gobollada Nugaal, Bari, Sool iyo Sanaag roobabkan, iyadoo ay sheegtay in dhibaato ay geysan karaan.

Dadka ayaa la faray iney ka fogaadaan meelaha ay biyuhu maraan, si aanay dhibaato ula kulmin.

“Roobab mahiigaan ah ayaa la saadaalinayaa inay kusoo wajahan yihiin degaannada puntland, qeybo kamid ah gobolada Bari, Nugaal iyoSool & Sanaag ayaa la rajeynayaa inay heli doonaan rooob xoogan oo sababi kara daadad ayaa lagu yiri” ayaa lagu yiri qiraal kasoo baxay wasaaradda deegaanka, Beeraha iyo isbedallada Cimilada Puntland.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa la sheegay in gobollada Sool iyo Sanaag ay ka da'een roobab xooggan, walow aanay jirin khasaare ay geysteen.


KEYDMEDIA ONLINE
 

Commenting is not available in this channel entry.