Shacabka Muqdisho oo soo dhaweyay Dilka Axmed Godane {DHAGEYSO}

Muqdisho (KON) – Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay shalay in Duqeyn ay Habeenkii isniinta ka fulisay Gobolka Sh/hoose ku dishay Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane waxaana soo baxaya dhinacyo badan oo soo dhaweynaya dilka Godane.
Warar Keydmedia Online
Shacabka Muqdisho oo soo dhaweyay Dilka Axmed Godane {DHAGEYSO}

Madaxda sare ee Dowladda oo xalay arintan ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in arintaasi ay dhabarjab weyn ku tahay Al-Shabaab.

Hadaba marka laga tago Madaxda sare Xubnaha ka hadlay waxaa kamid ah Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cali Seeko oo sheegay inay aad usoo dhaweynayaan dilka Hogaamiyaha Al-Shabaab.

Dhinaca kale qaar kamid ah Gudoomiyaashii hore ee Degmooyinka Gobolka Banaadir oo iyana aaan wax ka weydiinay dilka Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane waxa ay ku tilmaameen arin lagu farxo iyagoo fariin u diray dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Hadaba Gudoomiyihii hore ee Degmada Hodan Cabdi Maxamuud Dhabaney, Gudoomiyihii hore Degmada Boondheere C/llaahi Istakiin iyo Gudoomiyhii hore ee waaberi Axmed faal ayaa arimahaasi ka hadlaya.

Keydmedia Online // Radio Kulmiye 




    Warar 20 September 2020 14:00

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa dhawaan shaaciyay inay magaalo kasta oo kamid ah Galmudug loo sameyn doono Golle degaanka, si shacabka ay usoo doortaan hogaamiyaasha ay doonayaan, oo aan dusha looga keenin.