Shacabka Muqdisho “Shariifka Xal ha keeno ama ha iska tago”

Muqdisho (Keydmedia) shacabka ku nool magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka ay Dowlada ka taliso aya ugu baaqay Madaxweyne shariif Shiikh Axmed inuu la yimaado handisaha xal deg deg ah ama uu xilka isaga dago.
Warar Keydmedia Online
Shacabka Muqdisho “Shariifka Xal ha keeno ama ha iska tago”

Guuxa shacabka ayaa yimid kadib markii maalinimadii shalay aheyd uu shariifka booqday Isbtitaal ay ciidamada Amisom ku leeyihiin dugsigii tababarka Macalinimada ee Xalane halkaasoo ay ku jiraan dhaawacyo u badan Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM walow shacab aan tira badneen halkaasi lagu daweeyo.

Asli Ciise oo ah Hooyo 60 sano jir ah ayaa is weydiisay "Shariifka muxuu u booqan waayay isbitaalada shacabka ay u badan yihiin sida Madiina oo kale?" shacabka iyo ciidamada Shisheeye keebaa qiima badan? miyaanu Madaxweyne u aheyn shacabkan sida magacaba ka muuqata?.

Inkastoo dhinacyada isku haya siyaasada Dalka dhamaantood ay yihiin kuwa aan u turin shacabka ayaa hadana Mr shariif eeda ugu weyn ee uu la kulmayo waxa ay tahay isaga uu ku magacaaban Madaxweyne isla markaana tan iyo xiligii la magacaabay ay sii kordheysay dhibaatada.

Walow ay shacabka dhaliishan muujinayaan ayaa hadana dhanka kale waxaa xusid mudan in madaxweynaha ay heysato Maahmaahdii Soomaaliyeed ee aheyd "Biya kaa badan waa ku qaadaan" taasoo macnaheeda uu yahay in  xukunka uu la wadaago dad aanay daacad ka aheyn Dowladnimada.

www.keydmedia.net




Warar 19 January 2022 16:49

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Xil-gaarsiinta ee masuulka ka ah hirgalinta hannaanka doorashooyinka dadban, ayaa qeylo-dhaan ka muujiyay habka loo maamulay mid ka mid ah kuraasta Aqalka hoose ee taalla Puntland.