Shacabka Muqdisho:raali kama nihin hagarta Mahiga

MUQDISHO(KEYDMEDIA)Ra’yi ururin ay sameysay keydmedia ayaa shaaca ka qaaday in shacabka ku nool magaalada Muqdisho aanay raali ka aheyn shirka Mahiga iyo Shariif Xasan ay ka wadaan Magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.
Warar Keydmedia Online
Shacabka Muqdisho:raali kama nihin hagarta Mahiga

Xafiiska wararka keydmedia ee muqdisho oo u kuur galayay aragtida shacabka labadii todobaad ee qaban qaabada shirkan maanta furmaya ay socotay ayaa ogaaday in dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho in ay ka soo horjeedaan abaabulka iyo ka qeyb galka Shirkaasi.

Waxaan ay xaqiiqsatay keydmedia in dhamaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho marka laga reebo hogaamiye kooxeed shariif Xasan iyo 10-kiisa waardiye ee u duulay Kenya in aanay raali ka aheyn waxa ka socda Hoteelada Kenya.

WWW.KEYDMEDIA.NET