Shacabka Soomaaliyeed oo Cambaareeyay Ciidamada ka socda Dalka Sierra Leone

Kismaayo (Keydmedia) - Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobbolada Koonfurta Dalka ayaa si weyn u cambaareeeyay Ciidamada Shisheeye ee dalkeena sida sharci darada ah ku soo galaya, ayadoona ay shacabku si gaar ah u cambaareeyeen Ciidamada ka socda Socda Sierra Leone ee Shalay gaaray qeybo kamid ah gobbolka Gedo.
Warar Keydmedia Online
Shacabka Soomaaliyeed oo Cambaareeyay Ciidamada ka socda Dalka Sierra Leone

Shacabka ayaa sheegay inaysan u dul qaadan doonin in Ciidamo ka socda wadan shisheeye ay iska soo galaan dalkooda islamarkaana ay sida ay rabaah ka yeelaan.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku soo duulay oo si sharci dara ah ku soo galay wadamada Ethiopia, Kenya, Uganda, Brundi iyo Socda Sierra Leone oo hadda soo gashay.

Ciidamada ka socda wadamadaan ee loogu magac daray waxa loogu yeero Nabad ilaalayaasha ayaa dadka Soomaaliyeed waxaa ay u geystaan dhibaatooyin kala duwan sida, dilal bareer ah, jir dil, dhac kufsi iyo tacadiyo kala duwan oo aan halkaan lagu soo koobi karin.

Keydmedia.net - Kismaayo-Somalia