Shan sano ka hor manta oo kale iyo magaalada Muqdisho

Farmaajo wuxuu xagal daacinayaa doorashooyin xalaal ah oo xilligooda ku dhaca, wuxuu doonayaa inuu kursiga ku sii fadhiyo inta uu awoodo, wuxuuna geeska galiyay dhamaan dalalka Gobolka ee saaxiibka dhow iyo dariska la ahaa Soomaaliya marka laga yimaado Itoobiya iyo Eretria.

Warar Keydmedia Online
Shan sano ka hor manta oo kale iyo magaalada Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya – Shan sano ka hor maanta oo kale 2016, Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa marti-galisay shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD, kaas oo dalka lagu qabtay kadib burburkii Kacaankii M. S. Barre, hayeeshee, xaalka Muqdisho ayaa manta ka gadisan sidii hore, waxayna Caasimaddu hoos harsaneysaa xasarado siyaasadeed oo salka ku yaha awood isku dhajin iyo caddaalad ka carar.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku guuleysatay inuu Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’isul Wasaarihii Ethiopia Hailemariam Desalegn, Madaxweyne ku xigeen kii Suudaan iyo Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, ku soo dhaweyo Muqdisho si ay qeyb kaga noqdaan shirka Urur Gobolleed-ka IGAD.

Nasiib-xumo, tan iyo markii uu Xaafiiska Madaxweynaha dalka fariistay Farmaajo oo waqtigisii sharciga ahaa idlaaday billowgii Feberaayo 2021, ma jiro shir caalami ah oo dalku marti-galiyay, isla-markaana waxaa hoos u dhacay booqashada madaxdii adduunka ku imaan jireen Soomaaliya.

Inkastoo, labada xilli ay ka siman yihiin waqti doorasheed, hadana labada nidaam ee midba mar talada hayay ayaa dalka u kala dooray in waqtina xaslloonida siyaasadeed ee jirta ay sababtay in Madaxda Gobolka yimaadaan Caasimada waddanka, si ay uga qeyb galaan shir madaxeed iyo in taas badelkeeda shan sano kadib aysan xitaa Madaxda Soomaaliyeed nabad ugu shir waayaan Muqdisho.

Farmaajo, wuxuu kala qeybinayaa Dowlad goboleedyada, wuxuu weerar ku yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta ee masuulka ka ah Hoggaanka Amniga iyo Qorshaha Hirgalinta Doorashooyinka, wuxuu dalka xasarad siyasadeed u galinayaa si uu u daboolo kiiska Ikraan Tahliil oo uu ku eedeysan yahay shakhsiga isaga Madaxweynaha ka dhigay ee Fahad Yaasiin.

Farmaajo wuxuu xagal daacinayaa doorashooyin xalaal ah oo xilligooda ku dhaca, wuxuu doonayaa inuu kursiga ku sii fadhiyo inta uu awoodo, wuxuuna geeska galiyay dhamaan dalalka Gobolka ee saaxiibka dhow iyo dariska la ahaa Soomaaliya marka laga yimaado Itoobiya iyo Eretria.

Tallaabooyinkaas iyo kuwa kale oo badan waxa ay daaha ka qaadayaan, in hormarka dowladnimo ee dalka uu afartii sano ee la soo dhaafay hoos u socoday, isla-markana loo baahan yahay in si weyn Xildhibaannada 11-aad ee Baarlamaanka JFS uga foojignaadaan hoggaanka ay dalka u dooranayan si uu u hayaamiyo afarta sano ee soo aaddan. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.