Shaqaale ka tirsan SOMALI CABLE TV oo laxiray

Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa xiray qaar kamida shaqaalaha Taleefishinka Somali Cable TV xaruntiisa magaalada Muqdisho

Warar Keydmedia Online
Shaqaale ka tirsan SOMALI CABLE TV oo laxiray

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamo ka tirsan Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa albaabada isugu dhuftay xarunta Taleefishinka Somali Cable TV ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa jirdialay shaqaalihii ku sugnaa xarunta intii ay wadeen howsha xir-xiridda shaqaalaha, waxayna xarunta ka wateen laba shaqaalaha Somali Cable TV.

Lama oga ujeedada rasmiga ah ee ka dambeysa weerarkan, mana jirto faah-faahin kasoo baxday sababta loo jirdalay shaqaalaha loona xiray.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.