Shaqaale ku xayirnaa Somaaliya oo dib loogu celiyay dalkooda

Hannaanka dib loogu celinayay shaqaalan ayaa bilaabatay 22, August 2021 kaddib markii doonyo yar loogu diray xeebta magaalada Xaafuun ee gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland.

Warar Keydmedia Online
Shaqaale ku xayirnaa Somaaliya oo dib loogu celiyay dalkooda

XAAFUUN, Soomaaliya - 12 shaqaale oo u dhashay Indonesia oo muddo ku dhaw sagaal bilood ku xayirnaa markab kalluumeysi oo lagu magacaabo Liao Dong Yu oo ku sugnaa xeebaha Puntland ayay safaaradda Indonesia ee Nairobi ku guuleysatay in dib ugu celiso dalkooda.

M Hery Saripudin oo ah danjiraha Indonesia u qaabilsan Kenya, Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa tilmaamay in shaqaalaha markabka ay ku shaqeynayeen xaalado nololeed oo aad u liitay, qandaraasyada ay ku shaqeynayeenna uu dhamaaday bilowgii sannadkan 2021, shirkadaha shaqaaleysiisay ayaa ku qasbay inay ku shaqeeyaan cadaadis.

Hannaanka dib loogu celinayay shaqaalan ayaa bilaabatay 22, August 2021 kaddib markii doonyo yar loogu diray xeebta magaalada Xaafuun ee gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland.

27kii August 2021, ayay shaqaalahaan ka ambabaxeen Soomaaliya iyagoo sii maray Addis Ababa, Itoobiya, waxayna dalkooda gaareen 28kii bishan August.

Irvandi Wabula, Riki Rikardo iyo Valentino Vrangklen Lontaan oo ka mid ahaa shaqaalaha ayaa durba markii ay gaareen Indonesia waxaa loo qaaday isbitaalka si loogu dabiibo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 10:10

Kaliya, Kooxda Fahad, waxa ay sheegeen in Maryan, xubno ka mid ah ehelkeeda ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isla-markaana gabar caawiye u ahayd oo la yiraahdo Hodan ay u baxsatay dhanka Al-Shabaab, taas oo ilaa iyo hadda aysan u keenin wax caddeyn ah.