Shaqaale Ka Tirsanaa Hay’ada FAO oo Lagu Dilay Magaalada Marka

Marka (KON)- War ka soo baxay hay'ada Qaramada Midoobey u qaabilsan dhanka beeraha ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano FAO ayaa lagu sheegay in shaqaale ka tirsanaa hay'adaasi shalay lagu dilay magaalada Marka ee xarunta gobbolka Shabeellaha Hoose.
Warar Keydmedia Online
Shaqaale Ka Tirsanaa Hay’ada FAO oo Lagu Dilay Magaalada Marka

Shaqaalahaan oo lagu magacaabi jiray Yassin Mohamed Hassan ayaa la dilay xiligii ay Maleeshiyaadka Shabaab ka baxayeen magaalada Marka, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ninkaan ay toogteen Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaab.

Marxuum Yassin Mohamed Hassan ayaa waxaa uu kamid ahaa dad ilaa 10 qof gaaraya oo shalay ay Shabaab ku toogteen magaalada Marka xiligii ay magaalada faarujinayeen.

"Waxaan u tacsiyeenaynaa dhamaan qoyskii iyo asxaabtii uu ka tagay Mr.Yassin Mohamed Hassan oo kamid ahaa shaqaalaha hay'ada FAO ee magaalada Marka,"ayuu yiri General José Graziano da Silva oo ah agaasimaga FAO.

Sikastaba, Soomaaliya ayaa safka hore kaga jira wadamada lagu beegsado shaqaalaha hay'adaha Samafalka iyo sidoo kale Wariyaasha ka howlagalla dalka Soomaaliya.