Shaqaaqo ka taagan Waqooyga Galkacyo

Galkacyo (Keydmedia) - Wararka laga helayo waqooyga Galkacyo ee gobalka mudug ayaa sheegaya in halkaasi mar kale ay ka soo cusboonaadeen xiisada dagaal oo u dhaxeeya ciidamada Faroole iyo beesha leelkase ee dagta dhanka waqooyi ee galkacyo.
Warar Keydmedia Online
Shaqaaqo ka taagan Waqooyga Galkacyo

Arintan ayaa ka danbeysay kadib markii uu fashil ku soo dhamaaday qorshe xal loogu doonayo colaadaasi, waxaana sababta fashilka lagu sheegay wakiilada dhanka Faroole oo ka gaabsaday in si hufan loo turxaan bixiyo dhibaatada dhacday.

Xubna ka tirsan beesha dagta waqooyga Galkacyo ayaa u sheegay keydmedia in aanay ku raali noqon doonin wada hadal qalalan isla markaana doonistooda ay tahay in magdhaw laga siiyo dadkii looga laayay dagaalkii dhacay.

Keydmedia.net




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.