Taaliye Saadaq John oo is hortaagay fadhigii Baarlamanka
Shaqada garoonka diyaaradaha ee muqdisho Aadan Cabdulle Airport ayaa hakad ku timid kaddib markii ay shaqo joojin sameeyeen ciidanka garoonka qeyb kamida
MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka booliska ee ka shaqeeya garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa shaqo joojin sameeyay kaddib markii in muddo ah aan la siin wax mushaar ah. Waxaana lagu soo warramayaa in cabashada ay soo billaabatay xilli hore balse ay ugu dambeyn go'aansadeen ciidamada in ay joojiyaan shaqada.
Ciidamadan Booliska ah ayaa shaqada kala wareegay kuwa AMISOM ee baara boorsooyinka iyagoo kaashanaya Eeyaha AMISOM ee loogu talagalay in ay qaraxyada sheegaan, waxaana garoonka diyaaradaha ay ka joogaan qeybta ugu horreysa ee lagu baaro boorsooyinka, shaqadan ayey kala wareegeen kuwa AMISOM iyagoo mushaar dheeri ah ku qaadan doona shaqada balse aan weli la siin wax lacag ah.
Ciidamada oo muujinaya ku qanacsanaan la'aan ayaa saakay hakad galiyay howsha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments