Sharci ahaanta xil-wareejintii maanta dhacday

Farmaajo ayaa u muuqda mid ku tumanaya dastuurka KMG ee dalka u yaalla.

Warar Keydmedia Online
Sharci ahaanta xil-wareejintii maanta dhacday

Waxaa muran xooggan uu ka taagan yahay nidaamkii maanta uu xilka kula wareegay RW Maxamed Xuseen Rooble, isaga oo kala wareegay ku Sime Ra'iisul Wasaare, xilli uu nool yahay Ra'iisul Wasaarihii hore, walibana uu magaalada Muqdisho ku sugan yahay.

Sharci-yaqaannada Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladda Farmajo ay dhulka la gashay dastuurkii dalka, sidoo kalena burburisay sharciyo muhiim ah.

Professor Yaxye Caamir oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa la yaab ku sheegay sidii ay Maanta xil wareejinta u dhacday.

"RW Baarlamaan Ansixiyay ee loo dhaariyay Xilkaa RW  oo kaliya ayaa ku wareeji karo RW kale. ku sime Xil la wareegayo ama wareejinayo  waa wax ku cusub  sharciga,   inta uu noolyahay RW hore,  Caafimaad ahaanna uu Howsha Xil wareejinta ka qeyb qaadan karo, isagaana  wareejinayo,  Horena sidaa ayaa la isagu wareeji jiray, waxaa la yaab ah, in RWhii hore oo nool, oo weliba Magaalada joogo, uu xilkiisii wareejiyo nin aan RW ahaan  Baarlamaan uunan u  ansixin oo aan xilkaa loo dhaarin markiisii hore"

Yaxye oo hadalka sii wata ayaa yiri " waxaa ka sii yaab badan in RW hore uu leeyahay waxaan diyaar u ahay in aan wareejiyo xilka lagana diiday, taa oo macnaheeda loo qaadan karo, horeyba RW uma ahayn, ma noolid ama Caafimaad ahaan ma gudan kartid Xil-wareejinta,  waa howl in ka yar nus saac si sharaf leh oo sharci ah lagula kala  wareegi karo, ma ogi Sababta looga leexday"

Ra'iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre ayaa diyaar u ahaa in uu xilka ku wareejiyo ra'iisul wasaaraha cusub, hase ahaatee Farmaajo ayaa la sheegay in arrintaasi uu diiday.

Mudada uu xilka hayo Farmaajo waxaa dalka ka dhacay dhacdooyin waaweyn, iyadoo dastuurka uu sheegi jiray in lagu dhaqmo uu isagiiba dulmaray.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.