Sharciga Warbaahinta oo Baarlamaanka la horgeynayo -Warbixin

Muqdisho (KON) Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo la kulma dhibaatooyin badan oo ay qayb ka yihiin dilalka wariyaasha, xariga iyo waliba dhibaatooyin kale ayaa hadana suxufiyiinta waxay qabaan in ay jirto caburin.
Warar Keydmedia Online
Sharciga Warbaahinta oo Baarlamaanka la horgeynayo -Warbixin

 

Dowlada Soomaaliya ayaa qorshaynaysa in baarlamaanka Soomaaliya la horgeeyo sharciga warbaahinta Soomaaliya, waxaana taasi ay u aragtaa dowlada in ay tahay waxa kaliya ee lagu kala badbaadi karo.

Wasiirka ku xigeenka warfaafinta Cabdishakuur Cali Mire ayaa sheegay in wasaaradu ay qorshaynayso in baarlamaanka Soomaaliya la horgeeyo sharcigaan oo horay loo qoray .

Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in sharcigaan ka hor inta aanan la horgeyn baarlamaanka Soomaaliya loo soo bandhigi doono warbaahinta Soomaaliya si ay kaga hadlaan fikirkooda.

C/shakuur Cali Mire ayaa wuxuu sheegay in sharcigaan uu wax badan ka badali doono warbaahinta Soomaaliya iyo waliba sida loola dhaqmo, maadaama uu yahay sharcigii ay ku dhaqmi lahaayeen.

Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa codsaday in sharcigaan la horkeeno ka hor in aanan la horgayn baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaanaduna aysan go’aan ka gaarin.

Maxamed Ibraahim Bakistaan oo ah xogheeyaha suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya ay ka codsanayaan in sharcigaan lagu daro talooyinka Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Markii loo eego suxufiyiintu sharcigaan ma jiro walaac badan oo ay ka qabaan maxaayeelay waxaa jira xadgudubyo badan oo lagula kaco ayadoo aanan loo marin wax sharci ah.

Mudo 20-maalmood ah ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku xiran Wariye C/casiis Koronto oo ka mid ah suxufiyiinta Soomaaliyeed, waxaana uu u xiranyahay dowlada iyadoo aanan wax xukun ah aanan lagu ridin.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho