Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id qabtay

Guddoomiyaha midowga musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa Shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id qabtay

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha Madasha xisbiyada Qaran ahna guddoomiyaha midowga musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa shir jaraa'id ku qabtay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlayay arrimaha kasoo cusboonaaday dalka, iyo halka ay wax marayaan, waxa uu dhaliilay siyaasadda madaxweyne Farmaajo oo uu ku tilmaamay nidaam aan bulshada u sineen, falalkii shalay ka dhacay Muqdisho ee xarigga waddooyinka qaar, ciidamada lagu daadiya waddooyinka, xarumaha musharaxiinta iyo caburinta musharaxiinta lagu hayo oo ay ugu dambeysay tii Xildhibaan Mustaf Dhuxulow loogu geystay Hotel Afriik ayuu ka hadlay Shariif Sheekh Axmed. 

Isagoo la hadlayay 'dadka wanaagsan' ee laga filan karo badbaadinta dalka ayuu yiri "Dadka wanaagga iyo dhowrsanaanta lagu tuhmaayo ee ka maqan hogaanka iyo talada dalka, waa muhiim inay umadooda u adeegaan, si dalka loo badbaadiyo" 

Shariif Sheekh Axmed ayaa baryahan ka maqnaa dalka, isagoo dhawaan safar shaqo u aaday dalka dibaddiisa, waxaana uu kusoo beegmayaa shirkiisa Jaraa'id maanta oo laga yaabo in madaxweyne Farmaajo uu isna safar ugu ambabaxo waddanka Jabuuti si uu uga qeyb galo shir ay isugu imaanayaan madaxda Urur goboleedka IGAD.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa kacsan toddobaadkan iyadoo bannaan-baxyo looga soo horjeedo madaxweyne Farmaajo ay ka socdaan magaalada Muqdisho, ciidamada dowladda ayaa iyaguna dhankooda wada caburin, iyagoo bannaan-baxayaasha ku kala eryaya rasaas!

Madaxweynihii 7aad ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu sheegay in aysan jiri doonin cid sifo sharci daro ah ku joogta Villa Soomaaliya qofkastana uu bixi doono markii uu dhameysto waqtigiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.