Shariif iyo Caalin oo kulan ku leh madaxtooyada

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Warar hoose oo aan ka helnay xarunta madaxtooyada ayaa sheegaya in iminka kulan looga hadlayo amniga iyo abaaraha ay ku leeyihiin xarunta madaxtooyada Villa –Soomaaliya, madaxweynaha Shariif iyo madaxweynaha Galmudug Max’ed Axmed Caalin.
Warar Keydmedia Online
Shariif iyo Caalin oo kulan ku leh madaxtooyada

Kulankan ayaa ka danbeeyay kadib socdaal todobaadkii hore ay ku yimaadeen muqdisho wafdi ka socda Galmudug, waxaana ujeedada socdaalka wafdigan ay tahay sidii gargaar loogu heli lahaa dadka abaaraha ay saameeyeen ee  ku sugan gobalada Mudug iyo Galguduud.

Labada dhinac kulankooda oo ah mid iminka si toos ah u socda ayaan laga heyn wax faahfaahin ah, waxaana saxaafadda kulankaasi ay ka tahay mid dibad joog ah.

Www.keydmedia.net

.