Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Mr Sharmarke oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu tanaasulay si khilaafka daba dheeraaday ee dowlada dhexdeeda ah uu u soo afjarmo, isagoona sheegay is casilaadiisa in ay ka danbeyso arimo badan, waxaana uu u hanbaleeyay madaxda Dowlada in ay xilkooda gutaan.
Madaxweyne shariif oo isna goobta ka hadlay ayaa ugu hanbaleeyay R.wasaaraha tanaasulaadka uu sameeyay waxaana uu balan qaaday in xili dhaw uu soo magacaabi doono R.wasaaraha badali lahaa Cumar.
Saadaaliyaasha Siyaasadu waxa ay ku warameen in is casilaadan ay horseedi karto isbadal deg deg ah inuu dalka ka dhaco isla markaana ay dowlada dar dar hor leh la soo baxdo.
Wararku waxa ay sheegayaan in Xilka R.wasaarenimo uu shariif u magacaabi doono mid ka mid ah Qurba joogta Soomaaliyeed walow wararka qaar ay sheegayaan in C/wali cilmi goonjeex ama Maslax Max'ed Siyaad Barre loo magacaabi doono Xilkaasi.
www.keydmedia.net
Add comment
Comments