Shariif Shiikh Axmed: Ciidamada xaqooda ma dhameestiri karno

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed ayaa qiray isaga oo hortaana ciidamada dowlada in aanu dowladiisa awoodu laheyn in ay dhameestirto xuquuqada ay u baahan yihiin ciidamada dowladaxili shacabka ay ka cabanayaan ciidamada.
Warar Keydmedia Online
Shariif Shiikh Axmed: Ciidamada xaqooda ma dhameestiri karno

Shariif ayaa sheegay in dowlada xiligan aanay awood u laheyn in ay fuliso dhamaan adeegyada ay u baahan yihiin askarta,iyadoo ay taasi jirto ayuu ugu baaqay hadana in ay amniga adkeeyaan.

CIidamada dowlada KMG ah ayaa mudooyinkanba ahaa kuwa ka shaqeya dhibaateynta shacabka iyadoona ay ciidamada dhac ka geestaan meelaha qaar, waxaase mudooyinkan aad u yaraaday toogashadii ay shacabka kula kici jireen ciidanka kadib markay maxkamada militariga si rasmi ah u howl gashay.

Dadka qaarkood ayaa aaminsan in talaabada uu madaxweynaha ku cadeeyay in xuquuqada cidanka aan ladhameestiri karin ay horseedi doonto dhibaata xoog leh oo ay ciidanka shacabka kula kacaan.

www.keydmedia.net