Shariif Xasan oo lagu eedeeyay afduub baarlamaan

Muqdisho(Keydmedia) Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka KMG ah oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay gudoomiye Shariif Xasan inuu afduub ku heysto Baarlamaanka.
Warar Keydmedia Online
Shariif Xasan  oo lagu eedeeyay afduub baarlamaan

Xildhibaanad Caasha Axmed C/lle  oo ka mid ah xildhibaanada ku caan baxay ka hadalka qilaafaadka iyo iyo xiliyada ay jireen muranadda ayaa sheegtay in gudoomiyaha uu afduub xoog ku heysto baarlamaanka iyadoona sheegtay in loo dul qaadan Karin baarlamaanka inuu xirnaado tan iyo Arbacada

“Shacabka way naga xishoodeen oo inta aan annaga is magacawnay ayeey naga aamuseen hadana ma ahan in ku cayaarno waa in aan talaabo muhiim ah qaadnaa, waxaa u sahalay Shariif xasan inuu baarlamaanka xoog ku heysto xildhibaanada waayo Hotelada ayaan iska fadhinaa oo waxba ma qabano kolkuu doono ayuu noo yeeraa kolkuu doonana waa naga aamusaa” sidaa waxaa tiri Xildhibaanad Caasha.

Dhanka kale Xildhibaan hilowle oo ka mid ah xildhibaanada ayaa sidoo kale  waxa uu sheegay in caqabada hor taagan baarlamaanka xiligan inuu yahay gudoomiyaha baarlamaanka isla markaana waxa uu ka dalbaday inuu ka taanaasulo arimahaa khilaafaadka isla markaana dadka iyo dalka uu u turo.

www.keydmedia.net




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.