Shariifka oo fasaxay Dagaal xoogan

Muqdisho (Keydmedia) Madaxweynaha Dowlada KMG ah Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta daboolka ka qaaday in Ciidamada Dowlada ay amar ku qabaan Dagaal.
Warar Keydmedia Online
Shariifka oo fasaxay Dagaal xoogan

Shariifka ayaa  ugu baaqay Ciidamada Dowlada ka amar qaata  in ay dagaalka xoojiyaan isla markaana aanay ka soo laaban aaga hore ee dagaalka tan iyo inta ay meel uga soo harayaan kooxaha Dowlada ka soo horjeeda.

Inkastoo shariif uu ku baaqay Dagaal ayaa hadana waxaa xusid mudan in ay ku gadaamin yihiin madaxweynaha kooxa Dowlada ka tirsan oo xiriir aad u weyn la leh kooxaha Dowlada ka soo horjeeda ee dagaalka kula jira Dowlada.

Xiliya hore ayaa sidan oo kale Madaxweynaha uu ku baaqay dagaal isla markaana  bil ka hor ayeey aheyd markii Madaxweynaha uu tagay aaga hore ee Dagaalka, waxaana dad kale duwan oo wax falanqeeya ay ku fasireen arinkaasi dhoola tus ay Dowlada u muujineysay kooxaha taageera ee lagu magacaabo beesha Caalamka.

www.keydmedia.net