Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee Somalia.
MUQDISHO, Soomaaliya - Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa xalay abaara 10:30pm ku geeriyooday Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.
Sida la xaqiijiyay Sheekha ayaa u geeriyooday cudurka saf marka ah ee COVID-19-ka, wuxuuna baryihii la soo dhaafay la daalaa dhacayay xunuunno ay ka mid yahay sokorta iyo kuwo kale.
Sheekh Nuur Baaruud wuxuu ku dhashay dhulka Soomaalida Itoobiya, markuu gaaray Sagaal sano ayaa loo wareejiyay Muqdisho, halkaa ayuuna ku bartay cilmiga diinta Islaamka.
Isagoo aan gaarin da’ada 20-ka sano ayuu indhaha beelay taasina kama reebin barashada cilmiga diinta iyo dad baridda intaba.
Sheekh Nuur Baaruud wuxuu ka mid ahaa culumadii ka soo hor jeesatay nidaamkii shuuciyadda salka ku hayay ee Siyaad Barre, waxaana dhowr mar oo kala duwan la xiray xilligii Kacaanka.
Sanadkii 2012 mid ka mid ah wiilashiisa ayaa waxaa dilay Kooxda Al-Shabaab asaguna dhow jeer ayuu ka badbaaday isku day dil, waxaaana Sheekhu adduunka kaga tagay 9 Caruur ah.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments