Sheekh Shariif oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta ku soo laabtay dalka.

Warar Keydmedia Online
Sheekh Shariif oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

MUQDISHO, Somaaliya – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Xubno ka tirsan labada Gole ee Baarlamanka Soomaaliya, xubno kamid ah Xisbiga Hilimo Qaran ee uu hoggaamyo MW Shariif, iyo mas’uuliyiin kale ayaa ku sugayay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana loo galbiyay xaafadda Mirinaayo ee degmada Cabdcasiis.

Sheekh Shariif, oo hadal kooban ka jeediyay arrimaha xasasiga ah ee dalka ka jira ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xaaladdu gaarto dagaal iyo gacan ka hadal, taas oo ka dhalatay dhacdadii Golaha Shacabka ee 12-kii bishaan.

Guddoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta, wuxuu u tacsiyeeyay dadkii wax ka soo gaareen dhacdooyinkii dhacay, wuxuuna uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha dalka iyo Madaxwynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle go’aankii ay qaateen.

Soomaaliya uma baahna colaad iyo kursi jacayl ee waxay u baahan tahay isqancin iyo in laga heshiiyo doorashooyinka, iyadoo aan soo dhaweynayno go’aannada Ra’iisul Wasaaraha iyo dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug.Ayuu yiri Sh Shariif.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa hadda kulan la leh xubno muhuum ah oo ka tirsan Mucaaradka, wuxuuna fariisin ka dhigan doonaa waqooyiga Caasimadda, isagoo hore uga diga rogtay degmada Wadajir, ee gobolka Banaadir.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].