Sheekh Shariif oo la kulmay Gen. Odawaa

Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed xalay kulan la yeeshay taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raagge.

Warar Keydmedia Online
Sheekh Shariif oo la kulmay Gen. Odawaa

MUQDISHO - Madaxweynihii 7aad ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan la qaatay taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raagge. 

Kulankaan oo ahaa mid ay albaabadda u xiranyihiin ayaa ka dhacay hoyga Shariif Sheekh Axmed ee Muqdisho, mana cada waxa ay kawada hadleen labada mas'uul.

KEYDMEDIA ONLINE ayaa ogaatay in Sheekh Shariif uu kala hadlay General Odawaa xaaladda kacsan ee caasimadda, gaar ahaan in aanan ciidamadda xoogga loo adeegsan arimaha siyaasadda. 

Generaal Odawaa ayaa ka soo dhex muuqaday hoggaanka ciidanka xoogga, kadib markii xilka laga qaaday inta badan hogaamiyayaashii ciidanka xoogga.

Odawaa ayaa waxaa magacaabay Madaxweyne Farmaajo, waxaana isagoo Gaashaanle Dhexe ah xilliagaas Odawaa loo magacaabay xilka abaanduuliha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, oo laga xayuubiyay Jeneraal Cabdilaahi Cali Caanood.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].