Sheekh Shariif oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland

Sheekh Shariif oo soo noqday Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya ayaa kamid ah Madasha Xisbiyada Qaran oo kulmisay 6 xisbi siyaasadeed oo mucaarad ku ah Maamulka Farmaajo ee waqtiga kasii dhamaanayo.

Warar Keydmedia Online
Sheekh Shariif oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland

MUQDISHO, Soomaaliya - Sheekh Shariif ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku sheegay inuu kulan khadka Internet-ka la qaatey Maanta Wasiirka Arrimaha Dibadda Findland Pekka Haavisto.

"Waxaan kulan mira-dhal ah aan khadka Internet-ka Wasiirka Arrimaha Dibadda Findland Pekka Haavisto, waxaana kawada hadalnay Amniga, COVID-19 iyo Wadahadallada Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Finland ayaa kamid ah dalalka Yurub ee taageera Soomaaliya, waxayna dhawaan billowday dhex-dhexaadinta Somaliland iyo Dowladda Soomaaliya oo kulan ku yeeshay bil kahor wadanka Jabuuti.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.