KEYDMEDIA ONLINE

Sheekh Shariif oo ku baaqay in wixii lagu heshiiyay la hirgaliyo

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa bogaadiyay doorkii ay hoggaamiyayasha Maamul Goboledyadu ka qaateen in waddanku ka baxao xasillooni daradii siyaasadeed ee Farmaajo galiyay 12-kii April.

Warar Keydmedia Online
Sheekh Shariif oo ku baaqay in wixii lagu heshiiyay la hirgaliyo

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya, uga mahad celiyay doorkii ay ka qaateen in dalka laga badbaadiyo dagaaallo sokeeye, kadib markii Farmaajo muddo labo sano ah ku darsaday muddada xil-heyntiisa.

Isagoo ka hadlayay xaflad sagootin ah oo xalay Caasimadda loogu sameeyay Shanta hoggaamiye ee kala ah, Siciid Deni, Axmed Madoobe, Qoorqoor, Laftgareen, iyo Guudlaawe, ayuu si u weyn uga bogaadiyay wax-qabadkooda, iyo in ay hormuud u noqdeen in ugu danbeyn dalku u jahaysto doorasho la isla oggolyahay.

Sheekh Shariif, wuxuu ugu baaqay Madaxweynayaasha in wixii lagu heshiiyay la hirgaliyo, si dalku hore ugu sii socdo, loona qabto doorasho is-badal lagu sameynayo, kadib afar sano oo dalku ku jiray jaha-wareer siyaasadeed.

Dhanka kale, Shariif, wuxuu u mahad celiyay Ra’iisul Wasaaha Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, oo heshiiska doorashada hoggaan u ahaa, sidoo kale wuxuu doorkoodii ku ammaanay ciidanka xoogga dalka kaalintii muhiimka ahayd ee ay qaateen in waddanka dib loogu soo celsho jidkii toosnaa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 9 June 2021 15:42

Inkastoo runtii la qarinayay muddo dheer kadib ay bannaanka timid, hadana arrinta dhaliyarada loo qaaday Eritrea, ayaa sii murugsanaan karta haddii aysan su’aalahaan muhiimka ah ka jawaabin Rooble iyo Kheyre.