Sheekh Xasan Daahir Aweys oo si adag ula hadlay RW Rooble

Sheekh Xasan Daahir Aweys, ayaa Maxamed Xuseen Rooble, ku tilmaamay nin aan waxba kala soon siyaasadda dalka iyo awood qeybsiga Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo si adag ula hadlay RW Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya - Sheekh Xasan Daahir Aweys, ayaa sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Rooble ‘Rogane’ ku eedeeyay inuusan waxba kala socon awood qeybsiga Soomaaliya isla markaana uu iska indha tiray dadka uu ku matlo kursiga uu ku fadhiyo.

Xasan Daahir, oo doqon ku tilmaamay, Rooble ‘Rogane’,  ayaa ku eedeeyay in inuu ku fashilmay inuu kala dhiciyo Hawiyaha uu matalo, kana difaaco jariimooyinka siyaasadeed ee loo geysanayo.

“Dad ayaa ku tirsaday, dad ayaad kursigooda ku fadhisaa, dad ayaad wakiil ka tahay, dadka kala ilaali, iyagana ilaasho, dadka ka qaldan ka celi”. Ayuu yiri Xasan Daahir.

Sheekh Xasan Daahir, ayaa sheegay in Farmaajo la mid yahay Madaxweynaha Itoobiya, wuxuuna Rooble, kula taliyay inuu qaato doorka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo kale, maadaama labada dal nidaam ahaan isku mid yihiin sida uu hadalka u dhigay.

“Kursiga aad ku fadhisid Farmaajo malaha, dad ayaa leh ee xuquuqdooda ku ilaali, meesha aad la’dahay anigu waan garan waayay”. Ayuu yiri Xasan Daahir.

Xasan Daahir, wuxuu Rooble ugu baaqay inuu ka shaqeeyo, isku keenidda dhinacyada is diidan, is muujiyo, oo uu qaato doorkiisa Ra’iisul Wasaarenimo.

Sheekh Xasan Daahir Aweys, ayaa mudoo dheer Xasbi guri ku ahaa Muqdisho, kadib markii uu ka baxsaday Kooxad Al-Shabaab sanadkii 2014-kii.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.