Sheekh Cali Dheere “Kismaayo Waxaa Looga Taliyaa Nairoobi”

Kismaayo (KON)- Afhayeenka Maleeshiyaadka Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa ka hadlay arrimaha siyaaseed ee ka taagan gobbolada Jubbooyinka gaar ahaana magaalada Kismaayo.
Warar Keydmedia Online
Sheekh Cali Dheere “Kismaayo Waxaa Looga Taliyaa Nairoobi”

Afhayeenka Shabaab Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay in Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalkaasi ay tahay Magaalo maamulkeeda ay la wareegeen ciidamada Kenya ee ku sugan Gobalkaasi islamarkaasna looga taliyo magaalada Nairoobi.

Cali Dheere wuxuu sheegay in xitaa Magaaladaasi aan loo ogoleyn inay tagaan rag ka tirsan sida uu sheegay AMISOM iskabadaaye Masuuliyiin Dowladda.

Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo