Shidaal baaris laga billaabaya Soomaaliya

Muqdisho (KON) - Sida ay sheegtay wakaaladda batroolka Soomaaliya, waxaa dhawaan laga bilaabi doonaa gudaha Soomaaliya Shidaal baaris
Warar Keydmedia Online
Shidaal baaris laga billaabaya Soomaaliya

Hay’ado ajaanib ah ayaa dhowaan la filayaa inay Mashruucaas ka bilaabaan gudaha Dalka.

Maareeyaha wakaaladda batroolka, Dr. Xuseen Cali Axmed ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka Geeska Afrika ee la sheego in shidaal iyo macdan badan ay ku jiraan, sidaas darteedna ay dhowaan howl-billaabi doonaan hay’ado Soomaaliya heshiis la galay oo shidaal baaraya.

Wuxuu sheegay inay dhamaystireen shuruucdii loo baahnaa, wixii dhimanna la dhamaystiri doono, si howsha loogu billaabo sida ugu dhaqsaha badan.

Keydmedia Online ayaa Sanad kahor soo qortay Warbixin ku saabsan Shidaalka Soomaaliya iyo Dowladaha u tartamaya inay Mashruucaas la wareegaan.

Dowladaha Norway, China iyo Fransiiska ayaa daneynaya Shidaal baariista Soomaaliya.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho