Shiinaha oo Danjire cusub u soo magacaabay Geeska Afrika

Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee Xue, ayaa noqon doona dagaalka sii socda ee Itoobiya, oo ah waddanka labaad ee ugu dadka badan Afrika, isla-markaana ay Beijing ku leedahay balaayiin doollar oo amaah ah.

News Keydmedia Online
Shiinaha oo Danjire cusub u soo magacaabay Geeska Afrika

BEIJING - Dalka Shiinuha ayaa Danjire, Xue Bing, u magacaabay ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika, oo ah goob istaraatiiji ah oo muhiim ah ganacsiga dalkaas, inkastoo xasarado xooggan ka aloosan yihiin xilligaan.

Xue ayaa horay uga soo shaqeeyay safiirka Shiinaha u fadhiya, Papua New Guinea, wuxuuna khibrad u leeyahay inuu ka soo shaqeeyo Afrika, Ameerika iyo Oceania, sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha.

Shaqadiisu waxay noqon doontaa in uu ka shaqeeyo horumarinta qorshaha nabadda, kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu caawiyo wadamada gobolka "si ay u helaan xasillooni, horumar iyo barwaaqo mustaqbalka fog," ayuu yiri Wang Wenbin.

Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee Xue, ayaa noqon doona dagaalka sii socda ee Itoobiya, oo ah waddanka labaad ee ugu dadka badan Afrika, isla-markaana ay Beijing ku leedahay balaayiin doollar oo amaah ah.

Shiinuhu wuxuu isha ku haya marinka muhiimka ah ee maraakiibta caalamiga ah ee saliidda Bariga Dhexe iyo badeecooyinka ka yimaada Aasiya ee u socdaala Yurub, wuxuuna Xue Bing, salldhigan karaa dalka yar ee Djibouti.

Dhawaan, FEI Shengchao, ayaaa badaley Danjirihii hore ee Shiinaha Qin Jian, oo lagu xasuusto inuu taageero la garab taagnaa nidaamkii waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo hogaaminayay, shanti sano ee la soo dhaafay.

In ka badan 600 oo sano ka hor, bad-mareenkii caanka ahaa ee Shiinaha ZHENG He, ayaa yimid Soomaaliya, wuxuuna cagta mariyay Muqdisho, Saylac, Maka iyo Berbera, intii uu ku jiray safarradiisii badda ee Bariga Afrika. Xorriyaddeedii ka dib, Soomaaliya waxay ahayd waddankii ugu horreeyay ee Bariga Afrika ah oo xiriir diblomaasiyadeed la yeeshay Shiinaha.

Intii lagu jiray xilligii Dagaalkii Qaboobaa, dawladda Soomaaliya waxay xiriir dhow la lahayd dhiggeeda Shiinaha. Mas'uuliyiinta Soomaaliya ee xilligaas ayana u ololeeyay in la joojiyo go'doomintii diblomaasiyadeed ee Shiinaha, waxayna Dowladda Soomaaliya hormuud u ahayd dalalkii Africa ee Shiinaha ka caawiyay ku biirista Qaramada Midoobay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.