Shil gaari oo maanta ka dhacay gobolka Gedo

Dhammaan dadkii waxyeellada ay kasoo gaartay shilkan ayaa la dhigay Ibitaalka Baardheere.

Warar Keydmedia Online
Shil gaari oo maanta ka dhacay gobolka Gedo

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa shil gaari oo maanta ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana shilkaasi ka dhashay khasaare.

Gaari nooca raaxada ah ayaa ku rogmaday wadada aadda garoonka diyaaradaha ee degmada Baardheere, waxaana la sheegay in halkaasi ku dhaawacmeen Shan ruux.

Dhammaan dadkii ku dhaawacmay shilkan ayaa la geeyey isbitaalka magaalada Baardheere.

Maamulka degmada Baardheere weli wax war ah kama aanu bixin shilkan iyo wixii sababay.

Keydmedia Online

Commenting is not available in this channel entry.