Shil khasaare gaystay oo ka dhacay Somaliland

Qaarka dhaawacmay ayaa loola cararay xarumaha caafimaadka, oo iminka xaaladdooda lagu dabiibayo, inkasta, oo ay jiraan kuwa dhaawacoodu uu halis yahay.

News Keydmedia Online
Shil khasaare gaystay oo ka dhacay Somaliland

GABILEEY,Soomaaliya - Shilkan gaari oo khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay, ayaa xalay ka dhacay Dooxadda degmada Arabsiyo ee gobolka Gabiley oo ka tirsan Somaliland.

Inta la xaqiijiyey 2 ruux ayaa ku dhimatay, halka 2 kalana ay ku dhaawacmeen, shilka gaari oo dhacay kadib markii uu darawalkii xakameyn waayey gaariga, taasoo keentay in uu qalibmo.

Gaariga shilka galay wuxuu ahaa kuwa raaxada, ee Somaliland looga yaqaanno Dukhaan, Dhamaan dadka wax ku noqday shilkan ayaa gurmad ka helay dadka deggaanka.

Qaarka dhaawacmay ayaa loola cararay xarumaha caafimaadka, oo iminka xaaladdooda lagu dabiibayo, inkasta, oo ay jiraan kuwa dhaawacoodu uu halis yahay.

Ciidamada Somaliland gaar ahaan kuwa gobolka, ayaa gaaray halka uu shilku ka dhacay, iyagoo rasaas ku kala eryey shacabkii ku soo baxay qeylo dhaanta dadkii shilka galay.

Deggaannada Somaliland waxaa ku soo noq noqda shilalka ceynkan oo kala ah, waxaana loo aanneeyaa waddo xummo baahsan oo ka jirta gudaha goobaha uu ka arrimiyo maamulka.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.