Shil diyaraad oo ka dhacay Garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde

Muqdisho (KON) - Diyaarad rakaab ah oo kasoo duushay Gaalkacyo ayaa Maanta ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Shil diyaraad oo ka dhacay Garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde

Diyaaradaan oo ay saarnaayeen 21 Qof ayaa la sheegay in ay laheyd shirkadda duullimaadka Juba Airweys.

Diyaaradda oo nooceedu aheyd F50 ayaa ka soo kacday garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo.

Mas'uul ka tirsan Maamulka Garoonka ayaa KON u xaqiijiyay Shilkaani, wuxuuna sheegay in aysan jirin cid wax ku noqotay shilka.

UPDATE: Shilweyn ma aheyn, Diyaaradda oo ka timid Galkacyo ayaa wadadda (Runway) ka baxday.

Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]




    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.