Shil gaari oo ka dhacay Siinka dheer

Wararka laga helayo deegaanka loo bara kacay ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xalay halkaasi uu ka dhacay shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Warar Keydmedia Online
Shil gaari oo ka dhacay Siinka dheer

Shilkan ayaa dhacay kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo kale ahaa gaari Caasi ah oo nooca rakaabka ay adeegsadaan ah iyo gaari rooneed ah, waxaana la sheegay in ay ku dhinteen shilkaasi 4 ruux iyadoona ay ku dhaawacmeen in ka badan 5 kale.

Shilkaasi ayaa waxaa loo sababeynaa goobtaasi oo ah mid aad u mashquul badan isla markaana gaadiidka dad weynaha looga qaado lacago loogu magac daray taakuleynta dhismaha wadada Sh.hoose, iyadoona tan iyo xiligii howshaasi la bilaabay aanay jirin is badal muuqda oo wadada ay sameysay.

www.keydmedia.net




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.