Shil ka dhacay Hiiraan

Hiiraan(keydmedia) Wararka aynu ka helnay deegaano hoos taga gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay shil gaari oo sababay dhaawac gaaray rakaab saarnaa gaadiidkaasi
Warar Keydmedia Online
Shil ka dhacay Hiiraan

Shilka ayaa ka dhacay deegaan qiyaastii 15Km dhanka Bari ka xiga magaalada Baledweyne oo lagu magacaabo Baardheere ayaa waxaa ku dhaawacmay 3 ruux, waxaana gaariga uu ahaa nooca xamuulka qaada oo ka anbabaxay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Shilalka ka dhaca wadooyinka Dalka ayaa waxaa loo aaneeyaa burburka wadooyinka iyo qibrada darawada oo ah mid aad u kooban.

Www.keydmedia.net