Shil qasaaro sababay oo ka dhacay Sh.hoose

Keydmedia (Muqdisho) wararka laga helayo Gobalka Sh.hoose ayaa sheegaya in tuula ka tirsan tuulooyinka Gobalkaasi uu ka dhacay shil gaari oo qasaaro sababay.
Warar Keydmedia Online
Shil qasaaro sababay oo ka dhacay Sh.hoose

Tuulada Shilka uu ka dhacay ayaa lagu magacaabaa Baladul-amiin waxaana Juquraafi ahaan ay ku taala xadka gobalka uu la wadaago gobalka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.

Wararku waxa ay sheegayaan in shilkaasi ay ku dhinteen laba ruux iyadoona ay ku dhaawacmeen afar  qof oo kale kuwaa oo laba ka mid ah xaladooda laga deyriyay.

Shilka ayaa dhacay kadib markii gaariga uu ahaa nooca xamuulka qaada ee Soomaalida ay u taqaan candha meedlaha ay u baxeen Taayarada isla markaana uu qalibmay.

www.keydmedia.net