Shilal gaari oo ka kala dhacay Muqdisho iyo Guriceel

Shilalkan kale duwan ee saacadihii la soo dhaafay kala dhacay ayaa waxa ay sababeen qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii saarnaa gaadiidka shilka galay.
Warar Keydmedia Online
Shilal gaari oo ka kala dhacay Muqdisho iyo Guriceel

Shil ka dhacay wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa kuliyada Jaalle Siyaad iyo Ex-koontarool Afgooye ayaa sababay geerida laba qof iyo dhaawaca  afar kale, Shilkan ayaa ka dhashay isku dhac laba gaari oo ka kale timid labada dhanka Suuqa Bakaaraha iyo dhanka duleedka Muqdisho.

Dhanka kale Degmada Guriceel ayaa sidoo kale waxaa ka dhacay shil gaari oo sababay geerida nin ganacsade ahaa oo lagu magacaabo Cali Daahir iyo dhaawaca dhawr qof oo kale waxaana shilkani uu dhacay kadib markii uu rogmaday gaari xamuul ah oo ay alaab u waday qeyba ka mid ah Gobalka Galguduud.

Shilalka ayaa waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha inta badan sababa geerida shacabka Soomaaliyeed waxaana Sanadkan oo kaliya ku geeriyooday shilal gaari oo ka dhacay meela kale duwan dad ka badan 20 ruux iyadoona ku dhawaad 60 kale ay ku dhaawacmeen.

www.keydmedia.net