Shilal qasaara sababay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

CEELASHA(KEYDMEDIA)Waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho shilal kale duwan oo sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo gaaray dad masaafur ah oo wadadaasi adeegsanayay.
Warar Keydmedia Online
Shilal qasaara sababay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

3 qof ayaa geeriyootay 10 kalana way ku dhaawacmeen kadib shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa ex koontarool afgooye iyo KM13, waxaana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay qeyb ka ahaayeen rayidkii gawaaridaasi saarnaa.

Sidoo kale shil xalay ka dhacay deegaanka ceelasha biyaha ayaa sababay dhaawaca 3 qof oo mid ka mid ah uu ahaa cunug yar, waxaana dhamaan shilalkan loo aaneynayaa burburka wadooyinka iyo aqoon darada darwalada.

 WWW.KEYDMEDIA.NET