UK oo qorsheyneysa inay jarto Gargaarka ay siiso Soomaaliya
Shir muhiim ah oo looga hadalayo amniga oo uu ka qeyb galay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa waxa uu ka dhacay caasimadda Dhuusamareeb.
DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa xarunta madaxtooyada shir muhiim ah kula qaatay wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya, iyo Hoggaanka heerarka kala duwan ee maxkamadda ciidamada qalabka sida, oo ku sugnaan doona maalmahan magaalada Dhuusmareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.
Mas'uuliyiin uu ka mid yahay wasiirka Amniga gudaha ee Galmudug Axmed Macallin Fiqi iyo taliyashaasha ciidamda Galmudug ayaa kulanka qeyb ka ahaa, waxaana looga hadlayay dar-dar gelinta amniga caasimadda Galmudug.
Wafdiga ayaa joogi doona maalmahan deeganada Galmudug iyagoo booqan doona dhowr xarumood oo ay ku jiraan ciidamda kala duwan ee amniga Galmudug xaqiijinya, kuwaasoo dhawaan dagaallo la galay kooxda Al-Shabaab.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments