Amniga Muqdisho oo laga shiray

Shir looga hadlayay Amniga magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka ku xeeran Garoon-ka Diyaaradaha ee Aadan cadde, ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Amniga Muqdisho oo laga shiray

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkaan, waxaa ka qayb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Soomaaliya, Farxaan Cali Axmed, Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo saraakiil ka socotay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee magacooda loo soo gaabiyo AMISOM.

“Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa wasaaradda amniga dalka ku bogaadiyey dadaalka ay ugu jiero xaqiijinta amniga dalka guud ahaan iyo gaar ahaan ilaha muhiim ka ah sida garoomada”. Ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale Farxaan Cali Axmed, oo ah Wasiiru dowlaha wasaaradda Amniga ayaa sheegay in ujeedka shiku uu ahaa xaqiijinta amniga garoonka iyo degmooyinka ka ag-dhaw.

Sidaa y ogaatay Keydmedia, kulanka waxaa si weyn loogu gorfeeyay sugidda aminiga Xurumaha hay’adaha Qaramada Midoobay oo intooda badan ku yaallaa agagaarka garoon-ka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Amniga magaalada Muqdisho ayaan si buuxda u sugneyn, falal-ka amnin darro ee ka dhacaya magaalada ayaa joogto noqday maalmihii lasoo dhaafay.

Dowladda waqtigeedu sii dhamaanayo ee Farmaajo hoggaamiyo ayaa inta badan jidadka magaalada dhagaxyo ku gooysay, walina waxba kama soo naasa caddaan jidgooyinkaas.  

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.