Shirka Beelweynta Hawiye oo Muqdisho ka dhacay

Shir weyne ay isugu yimaadeen Beelweynta Hawiye islamarkaana ay ka soo qeyb galeen siyaasiyiin ay kamid yihiin Midowga musharaxiinta ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Shirka Beelweynta Hawiye oo Muqdisho ka dhacay

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir weyne ay isugu yimaadeen Beelweynta Hawiye islamarkaana ay ka soo qeyb galeen siyaasiyiin, waxgarad, culamaa-u-diin, haween, dhallinyaro iyo qaar kamida xubnaha Midowga musharaxiinta ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya.

Shirka oo billowday galinkii dambe ee maanta ayaa lasoo gabagabeeyay maqribkii, waxaana ka hadlay mas'uuliyiin kala duwan,

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C C Warsame ayaa ugu baaqay ganacsatada Hawiye ineysan bixin canshuurta, waxa uuna yiri "Inaga iyo Farmaajo is huri meyno haddii aan la helin:

  • Ganacsatadeena oo iska diidda in ay bixiyaan canshuurta.
  • Madaxweynayaasha DG nagu matala Federaalka ee Hirshabeelle iyo Galmudug oo aan iska diidin muddo kororsiga 
  • Iyo Ra'iisul Wasaaraha oo shaqadii loo igmaday qaata, madaxweynahana usheega inuu shaqadiisa qabsanaayo.

Saddexdaas haddii aan la helin innaga iyo Hoggaamiye kooxeedka (Farmaajo) is huri meyno, shir dambe mala isugu imaan doono hadda kaddib Farmaajana waa la iska celinaa".

Mas'uuliyiintii ka qeyb gashay kulanka iyo sidoo kale dhammaan xubnihii kala duwanaa ee goobta ka hadlay dhammaantood waxay isku raaceen in aan la aqbalin muddo kororsi, waxayna ugu baaqeen madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo inuu si nabad ah xilka ku wareejiyo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.