Shir laga yeeshay gurmadka abaaraha Jubbaland

Gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose ayaa ah meelaha ugu badan ee abaartu ku dhufatay, iyadoo hadda dhibaatada ugu badan ay gaartay xoolaha.

Warar Keydmedia Online
Shir laga yeeshay gurmadka abaaraha Jubbaland

KISMAAYO, Soomaaliya - Gollaha Wasiiradda Jubbaland ayaa Maanta shir gaar ah ka yeeshay xaaladda bini'aadanimo ee ka jirta Maamulka Axmed Madoobe kadib abaar ku dhufatay.

Maxamuud Sayid Aadan, ku xigeenka Axmed Madoobe ayaa shir gudoomiyay kulanka, isagoo warbixin ka dhageystay Wasiirka gargaarka Jubbaland oo sheegtay in 3 kun oo neef ay abaarta ku dishay gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo.

Meelaha sida aadka abaarta ugu dhufatay waxaa kamid ah Dhoobley, Hoosingow, Afmadow, Garbahaarey iyo Baardheere, iyadoo halkaasi ay biyo la'aan ku hayso kumanaan qof iyo xoolo.

Abaarta waxay timid kadib markii roobkii Guga si fiican uga di'in Jubbaland, waxaana ugu sii darsoomey dad badan oo kasoo cararay gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, kuwaasoo iyagoo daaq iyo biyo raadis ah usoo gudbay dhanka Soomaaliya.

Xaaladda abaabrta Jubbaland ayaa kasii daraysa, waxaana maamulka uu ku baaqey in si deg deg ah loo caawiyo dadka Soomaaliyeed, ee u baahan gurmadka bini'aadanimo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.