Shirka Garsoorka ee Muqdisho

Kalsooni la’aanta Shacabka ku qabaan Garsoorka dalka

Warar Keydmedia Online

Magaalada Muqdisho waxaa ka furmaya Shir aad loo maamuusay oo looga hadlayo arrimaha Garsoorka iyo caddaaladda, iyadoo aad loogu dhibban yahay Garsoorka iyo Caddaaladda dalka, hadaba garsooska iyo caddaaladda ayaa sii xumaaneysa afartii sanno uu Madaxweyne Farmaajo xilka hayay, waa falaanqeyn kooban.

Kalsooni la’aanta Shacabka ku qabaan Garsoorka dalka

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya, Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee dalka, Wasiiro, Xildhibaano, xubno ka socda Maamul Goboleedyada dalka, Culimo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Arrimaha shirkan looga hadlayo waxaa lagu sheegay caqabadaha heysta garsoorka dalka, caqabadaha sanadkii tegay iyo sidii loo tayeyn lahaa hay’adaha Garsoorka dalka, iyadoo  Wasaaradda cadaaladda ee dowladda federaalka ay ka warbixinayso xaalada garsoorka dalka. Khudbadaha laga jeedin doono shirkan waxay socon doonaan muddo laba maalin ah.

Madaxda ka qeyb galaysa shirka ma oga garsoorka dalka sida uu yahay, iyo in lacago wax lagu kala furdaamiyo, haddana sidaas oo ay tahay waxay khudbado ka jeedinayaan shir weyne loogu talagalay in looga hadlo arrimaha garsooska iyo caddaaladda.

Toddobaad ka hor waxaan goob joog u ahaa wiil dhallinyaro ah ka shaqeeya Suuqa Bakaaraha ayaa soo dacweeyay mid kamida shaqaalaha dowladda oo ka tirsan wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta, waxa uu wiilka ganacsadaha ahaa usheegay inuu soo saaro Visa -ha waddanka Turkiga, waxa uuna ka qaaday laba Passport iyo lacag lix kun iyo dhowr boqol oo dollar ah, wiilkii Visa -ha laga sugayay mar qura ayaa la waayay miriqdiisii iyo meel uu jaan iyo cirib dhigay.

Waxaa lagu war galiyay laamaha ammaanka dhacdadaas, meel kasta ee lag dacweeyo waxaa loo sheegay wiilkii ganacsadaha ahaa in aan waxba loo qaban karin ilaa uu soo sheego meesha uu ku sugan yahay qofka dhacay hantida, haddii kale waxba inaan loo qaban karin ayaa loo sheegay, shaqadii laga rabay laamaha ammaanka in ay qabtaan ayey u dirayaan dhibanayaasha usoo dacwoonaya.

Nasiib wanaag, muddo lix bilood ku dhaw waxaa lasoo helay wiilkii oo xog fiican uu ka keenay, kaddib ciidamada CID -da ayaa soo qabtay soona xiray, waxaa lagu xiray xarunta CID -da, subaxdii dambena waxaa loo gudbiyay Maxkamad, daah fara-badan ma jirin, wiilkii ganacsadaha ahaa wuxuu diyaarsaday dukumiinti-yadii caddeynta u ahaa lacagta oo lagu kala wareejiyay Koonto Bangiyada gaarka loo leeyahay ee dalka, iyo farriimihii la isku dhaafsaday WhatsApp ka iyo Copy -ga Passport -rada oo markii hore loo diray iyo sidoo kale codad laga duubay intii uu meer-meerinta waday lagana shakiyay inuu lacagta la goyn rabo!

Wiilkii dhallinyarada ahaa ayuu ninkii maxkamadda gobolka Benaadir maalintaas joogay weydiiyay lacagaha lagu soo eedeeyay inuu qirsan yahay, waxa uuna qirtay qeyb kamida lacagta oo uu ku sheegay Shan kun oo Dollar, waxa uuna sii raaciyay in lacagtaasi ay ahayd FOREX, garsoorihii wuxuu amray in lasii daayo eedeysanihii maadaama lacagta ay tahay FOREX, qofkii dhibanaha ahaa ayaa yiri "Lacagta uu iga qaatay Forex maahan, ee haddii aad go'aansateen in lasii daayo ninkan Damiin halagu sii daayo, qabashadiisa dhib badan ayaan ka maray!"

Xaaladda garsoorka dalka halkaas ayuu marayaa, maantana waxaa Muqdisho lagu qabanayaa Shir weyne looga hadlayo arrimaha garsoorka oo laba maalin socon doona, waxqabadkii oo dhan wuxuu ku soo aruuray in la xafladeeyo iyo in shirar la qabsado, mana jirto cid ka shaqeyneysa in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ka jira Garsoorka iyo Caddaaladda Dalka.

Sida ay Keydmedia Online hore usoo qortay, dalka ayaa guud ahaan la daalaa dhacaya musuq-maasuqa, awwood ku tumasho xad-gudub ka dhan ah shacbaka, hay’adaha dowladda oo garsoorku ugu horreeyo ayaana ah halka ugu sarreysa ee wax is daba marintu ka dhcdo.

Kalsooni la’aanta uu shacabku ku qabo garsoorka dowladda ayaa sababta in xilliyada qaar ay qeyb ka mid ah dadweynuhu caddaalad ka raadsadaan maxakamadaha Kooxda Al-Shabaab.

Balanqaadyaddii tirada badnaa oo uu sameeyay Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa kamid ahaa, in shacabka ay heli doonaan Cadaalad, islamarkaana ay dhici doonin muwaadin Soomaaliyeed uu cadaalad darro la kulmo. Baladnqaadkaas ayaa beenooway, dalka maanta waa ka daranyahay afar sanno kahor. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.