Shir madaxeedka IGAD oo baaq laga soo saaray

Midowga Afrika ayaa ugu baaqay Soomaaliya iyo Kenya in ay wadahadal ku dhameeyaan khilaafka diblumaasiyadeed ee labada dal. 

Warar Keydmedia Online
Shir madaxeedka IGAD oo baaq laga soo saaray

JABUUTI - Gudoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, oo ka hadlay shirka Ururka IGAD uga furmay maanta Jabuuti, ayaa muujiyay muhiimadda wadahadal dhexmara Soomaaliya iyo Kenya. 

"Waxaan jeclaan lahaa in labada dal aan ka codsado in ay furaan wadahadal ujeedadiisu tahay in dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed" Ayuu yiri Moussa.

Inkastoo wali warsaxaafadeed rasmi ah laga soo saarin shirka, macluumaad ay Keydmedia Online ka haleyso Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegaya in IGAD ay ugu baaqday Kenya in ay dhowrto madax-banaanida Soomaaliya. Sidoo kale, IGAD ayaa arintaan u dhiibeysa guddi gaar ah oo kormeeri doona wadahadaladda Muqdisho iyo Nairobi.  

Ajendaha ugu weyn ee maanta looga hadlaayay shirka IGAD ayaa ahaa khilaafka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya. 

Labada dowladooda ayaa xiriirkooda maraya meeshii ugu xumayda, waxaana kala qaateen Safiiraddii u kala fadhiyay Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo hadda qarka u saaran yihiin inuu dagaal ku dhex maro xadka.

Maalintii shalay, Wasaaradda Warfaafinta DF ayaa soo saartey qoraal ay ku sheegtay in Kenya ay Malleeshiyaad ku hubeynayso Mandheera, si ay usoo weeraraan Beled-Xaawo, oo Ciidanka dowladda ku sugan yihiin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.