Shir muhiim ah oo Muqdisho lagu qabtay

Shir muhiim ah oo ku saabsan khatarta ay leeedahay lacagaha la dhaqo ee been abuurka iyo maal-gashiga argagaxisada ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Shir muhiim ah oo Muqdisho lagu qabtay

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta laga daah-furay magaalada Muqdisho Shirweynaha Qaran ee warbixinta qiimeynta khataraha lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada.

Shirka oo ay kasoo qeyb galeen mas'uuliyiin ka kala tirsan labada gole ee dowladda iyo qaar kamida shaqaalaha rayidka ayaa waxaa daah-furay Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed. Ra'iisul Wasaaraha oo ka hadlayay ayaa si kooban uga hadlay warbixinta wuxuuna yiri "Warbixintan waxaa si gaar ah ay diiradda u saartay guud ahaan dhaqaalaha dalka, gaar ahaan ka hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada."

Khatarta ay leedahay lacag dhaqista waa mid ay nala qabaan waddamo badan oo ay Soomaaliya ugu liidato xagga Koontaroolka iyo taxadarka, dad badan oo ganacsato ah ayaana lagu qalday iyagoo khasaaro xoog leh uu soo wajahay.

Maalgashiga kooxaha Argagaxisada ah waa mid u baahan in wax laga qabto, dowladda Soomaaliya weli uma aysan qaadin wax tallaabo ah taasoo muujinaysa in laga guuleysan doono kooxda xilli ay noqotaba, waxaana sii kordhaya dhaqaalo uruursiga ay kooxdu sameyneyso, iyadoo canshuur ka qaata ganacsatada waa weyn ee Dekadda Muqdisho kala soo daga badeecadaha, sidoo kalena waxay canshuuro ka qaadaan dhulalka lakala iibsado iyagoo warbixinada si toos ah uga qaata maamulka qolyaha kala wareejiya dhulalka, guryaha iyo beeraha ee Nootaayada loo yaqaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.