Shir udhaxeeya Galmudug iyo Dowlad degaanka oo ka furmay Wardheer

Mas'uuliyiin ka socota dowlad goboleedka Galmudug ayaa gaaray magaalada Wardheer, halkaasoo ay wada-hadal uga qeyb galayaan wasiirro ka tirsan Galmudug

Warar Keydmedia Online
Shir udhaxeeya Galmudug iyo Dowlad degaanka oo ka furmay Wardheer

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Magaalada wardheer ee dawlad deegaanka Soomaalida waxaa ka furmey shir u dhaxeeya dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo mas'uuliyiin ka socota dowlad goboleedka Galmudug.

Shirka ayaa looga hadlayaa is kaashiga Amniga iyo Dhaqaalaha ee labada maamul waxaana sidookale lagu dhamaystirayaa hishiis ay horey magaalada Cadaado ugu wada saxiixdeen Galmudug iyo Dowlad Degaanka Soomaalida taariikhdu markii ay ahayd 18-4-2020 kaas oo ku saabsanaa iskaashiga Amniga ee xuduudda labada maamul.

Wasiirada Amniga, Ganacsiga, Caafimaadka iyo Arimaha gudaha ayaa Galmudug matalaya, waxaana hogaaminaya wafdiga Galmudug Axmed Macalin Fiqi wasiirka Amniga.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Galmudug iyo sidoo kale ciidamo ka socda dawladda faderaalka Itoobiya iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida oo shirka ka qayb galaya horayna u joogey hishiiskii hore ayaa sidookale warbixino Amniga ku saabsan laga dhagaystey waxaana shirku markii uu soo dhamaado lafilayaa in laga soo saaro warsaxaafadeed ku saabsan hishiiska lagaaray.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.