Shir ay Shabaab taageero ku dalbanayeen oo ka dhacay Gedo

Muqdisho (KON) Iyadoo dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka soconayaan gobolka Gedo oo dowladda ay ku dooneyso inay ku qabsato gobolka dhan, dhinaca kalena Al Shabaab ay qorsheynayaan inay xajistaan deegaanada ay maamulaan ayaa kulan looga hadlayay dagaalka Gedo wuxuu ka dhacay degmada Baardheere.
Warar Keydmedia Online
Shir ay Shabaab taageero ku dalbanayeen oo ka dhacay Gedo

 

Shirkani oo ay Al-Shabaab la yeesheen Odayaasha iyo waxgaradka gobolka Gedo qaarkood islamarkaana soconayay mudo shan maalmood ah ayaa waxaa looga hadlay sidii Al-Shabaab loogu gacan siin lahaa dagaalka gobolka Gedo.

Mid ka mid ah salaadiinta ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay inay ku heshiiyeen iyaga iyo Al-Shabaab inay iska kaashadaan dagaalka.

Saraakiil ka tirsan maamulka Al-Shabaab ee gobolka Gedo oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in dagaalka oo laga gacan siiyo ay u horseedi karto inay dib ula wareeegaan deegaanada ka maqan gacanta Al-Shabaab.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho