Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?
Shir looga hadlayo arrimaha Soomaliya ayaa si wada-jir ah u qaban-qaabinayaan dowladaha Japan, Soomaaliya iyo ururka Midowga Afrika.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaaraha Japan, Shinz? Abe ayaa lagu wadaa inay shirkaas wada-guddoomiyaan.
Warar ayaa sheegaya in shirkaan uu furmo maalinta Jimcaha ah uu ka dhaco magaalada Yokohama ee dalka Japan, inkastoo wali aysan ka hadlin dowlada Soomaaliya.
Shirkaan ayaa waxaa looga hadli doonaa kobcinta dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada, xasilloonida iyo dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.
Shirka ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan madax Afrikaan ah, wasiirro dowladaha deeqda bixiya ka socdo iyo madax ka socota ururro iyo hay’ado caalami ah, waxaanu qeyb ka yahay shirka TICAD ee horumarinta Afrika.
Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments