Shir looga hadlayo dib u celinta Qaxootiga Soomaaliya oo ka furmaya Ethiopia

Addis Ababa (KON) - Shir looga hadlaya dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Deriska ah ayaa Maanta oo Arbaco ah ka furmaya Magaalada Addis Ababa, ee xarunta dalka Ethiopia.
Warar Keydmedia Online
Shir looga hadlayo dib u celinta Qaxootiga Soomaaliya oo ka furmaya Ethiopia

Wakiillo & Madax ka kala socoto Dalalka Yemen, Kenya, Djibouti, Ethiopia, Uganda, Soomaaliya & Hay'adda UNHCR ayaa ka qeyb-galaya Shirka, waxaana Shirka Diiradda lagu saari doonaan Dib-u-celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya ku nool.

Shirkan waxaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya uga qeyb galaya Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed, Wasiirka Arrimaha Dibadda C/raxman Beyleh, Wasiirka Arrimaha Gudaha C/llaahi Goodax Barre iyo Madax kale oo shalay gaaray magaalada Addis Ababa.

In lagu qabto Shirka Magaalada Addis Ababa, ayaa yimid markii ay Dowladaha Kenya, Soomaaliya & Hay'adda UNHCR ay isku fahmi waayeen qaabka Dib-u-celinta Kumanaanka Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Xerada Dhadhaab, kuwaasi oo intooda badan sheegaya in dalkooda Hooyo wali uusan Nabad ahayn, kuna laaban karin hadda.

2013-kii ayay ahayd markii Shir Saddex geesood ahaa uu Nairobi ku dhex maray Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR kaas oo ay ku wada saxiixdeen Heshiis Qodobadii ka soo baxay ay ugu muhiimsanayd in si qasab ah aan dib loogu celin Qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Kenya.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho




Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.