Shirar gaar gaar ah oo ka soconaya Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Keydmedia) Waxaa deegaano kale duwan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho ka soconaya shirar gaar gaar ah oo la xirira arimaha Dagaalada.
Warar Keydmedia Online
Shirar gaar gaar ah oo ka soconaya Magaalada Muqdisho

Mashquul aad u daran ayaa laga dareemayaa xarumaha Dowlada iyo kooxaha ka soo horjeeda ay ku kala leeyihiin gudaha Magaalada Muqdisho, waxaana warar hoose ay tilmaamayaan in dhamaan kulamadasi ay yihiin kuwa la xiriira sidii isbadal oo dhan walba ugu sameyn lahaa arimaha la xiriira dagaalada ka socda Muqdisho ee ay ku dhimanayaan shacabka.

Shalay galinkii danbe ilaa maanta ayaa mashquulka ugu weyn uu soconayay, waxaana aad u adag in xog faahfaahsan laga helo arimaha sida ay u socdaan, iyadoona dhinacyada ay ka gaabsadeen faahfaahin dheeri in ay bixiyaan.

www.keydmedia.net